Saddexdii sano ee uu jiro Maamulka Hir-Shabeelle waxaa gobolka Hiiraan soo maray maamulo kala duwan,iyada oo loo magacaabay in ka badan lix guddoomiye,waxaana taasi dad badan ay ku dhaliileen madaxda Hir-Shabbeelle
Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sababeeyay waxa gobolka Hiiraan kaliya ku koobay isbeddelka dhinaca guddoomiyaha ah,iyada oo Gobolka Shabeellaha Dhexe uu weli guddoomiye ka yahay Axmed Meyre Makaraan oo la magacaabay xilligii dowladii Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.


