Thursday, April 24, 2025
HomeWararMadaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle oo gaaray Beledweyne

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle oo gaaray Beledweyne

Wafdi u hoggaminayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (dabageed) ayaa ka degay  garoonka diyaaradaha  Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne iyada oo si diiraan loogu so dhaweyey.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Beledweyne, kuwaas oo garoonka uga hortegay.

Wafdiga Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ayaa horudhac u ah Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku wajahan magaalada Beledweyne todobaadka soo socda.

Madaxweyne Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (dabageed) ayaa kulamo la qaadan doona maamulka Gobolka Hiiraan iyo Bulshada Magaalada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe