Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminà ayo ayaa gaadhay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Ujeedka Safarka madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ah in maanta uu soo xidho deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo mà anta shantii kursi ugu danbeeyey lagu dooranaayo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa shalay gaaray Magaaladaasi halkaasi oo lagu doortay 11 kursi oo ka mid ah golaha Shacabka, waxaa maanta lagu waddaa in lagu doorto Shan kursi.

