Sunday, April 19, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweyne Guudlaawe oo guddoomiyay kulan arrimo muhiim ah looga hadlay

Madaxweyne Guudlaawe oo guddoomiyay kulan arrimo muhiim ah looga hadlay

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeellle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shir looga hadlayay Barnaamijka Xasilinta ee ku qotoma Mashaariicda Bulshada, Maamul dhisida, Amniga, Cadaaladda iyo Xalinta Khilaafaadka.

Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanada deegaanka guddoomiyaha maxkamada sare ee Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa diirada lagu saaray dardar-galinta iyo isku xirka arrimaha xasilinta adkeynta nabad-gelyada, maamul dhisida, dadaallada xalinta khilaafaadka, xoojinta iyo tayeynta hannaanka garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg garsoor oo caddaalad ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ddegmada Cali Gaduud iyo dhammaan magaalooyinkii laga xoreeyay Al Shabaab la gaarsiiyo adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshada, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay cadowga ku hayeen 15-kii sanno ee lasoo dhaafay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe