Monday, May 18, 2026
HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo Hayadaha Amniga Faray in Ay Gacanta Ku Soodhigaan Dadkii...

Madaxweyne Farmaajo oo Hayadaha Amniga Faray in Ay Gacanta Ku Soodhigaan Dadkii Dalay Xildhibanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Eebbe ha u naxariisto XIldhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.”
Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, 19 Sano Ee U Danbaysay Waxaa uu Ka Mid Ahaa Baarlamaanka Aqalka Hoose Ee Somaliya horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaankii Sideedaad Ee Kumeelgaarka Ahaa

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe