Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka digay in khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya ay halis gelin karaan jiritaanka dowladnimada dalka, haddii aan xal loo dhan yahay laga gaarin ka hor dhammaadka muddada xileedka madaxweyne Xasan Sheekh oo ku eg 15-ka May.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo ay Soomaali wada aqbasho, aysan jiri doonin dowlad Federal ah oo dalka ka hanaqaadda.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Puntland ay ilaalin doonto danaheeda gaarka ah, isla markaana aysan ka dhowrsan doonin madaxda dowladda federaalka haddii ay ku xadgudbaan nidaamka dowladnimada, balse ay u istaagi doonto difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ee dalka.
Dhanka kale, Deni ayaa dhaliilay habka qaar ka mid ah arrimaha dowladda loogu soo bandhigo baraha bulshada, isagoo xusay in arrimaha masiiriga ah lagu xallin karo oo keliya hannaan rasmi ah iyo wadahadal toos ah.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya wajahaysa muran siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka iyo hannaanka dowladnimo, iyadoo aan weli la isku raacsaneyn qaabka loo wajahayo marxaladda kala guurka ah.

