Tuesday, April 14, 2026
HomeWararMadaxweynayaasha Jabuuti & faransiiska oo kulan yeeshay

Madaxweynayaasha Jabuuti & faransiiska oo kulan yeeshay

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dalka Fransiiska kulan kula qaatay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.

Labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo dhaqangelinta heshiis horey u dhexmaray Jabuuti iyo Faransiiska.

Dhanka kale, waxaa Paris ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda Jabuuti isla markaana lagu codsanayay in la sii daayo duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ku xiran Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Faransiiska ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe