Friday, July 10, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweynayaal hore iyo Siyaasiyiin ku wajahan Garoowe.

Madaxweynayaal hore iyo Siyaasiyiin ku wajahan Garoowe.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaaraan, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, madaxweyneyaal hore, siyaasiyiin iyo xuno kale.

Magaalada ayaa si weyn looga dareemayaa diyaargarowga ku aaddan soo dhaweydnta wufuudda ku wajahan, iyadoo xubno hordhac ah ay gaareen Garoowe sida wararku tilmaamayaan.

Masuuliyiinta kala duwan ee ku wajahan garoowe ayaa u jeedka socdaalkoodu waxa uu yahay ka qayb-galka Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni, oo dhawaan mar kale dib loo doortay.

Madaxweynayaal hore ayaa la filayaa in ay halkaasi gaaran, sida wararku tilmaamayaan, Waxaana ka mid ah Masuuliyiinta dhawaan tagi doona, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Madaxda Dowladda federaalka ayaa ku wajahan Garoowe, iyadoo ay jirto in Xariirka Deni iyo Federaalka uusan wanaagsanayn.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe