Tuesday, January 13, 2026
HomeWararGudahaMadaxweynaha waqtigiisaa sii dhammanayo iyo Madaxda dowlad-goboleedyada oo kulan ku...

Madaxweynaha waqtigiisaa sii dhammanayo iyo Madaxda dowlad-goboleedyada oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah la yees8hay madaxda maamulada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegay inuu ka qabsoomay Villa Somalia, iyadoo looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan qabsoomida doorashada qof iyo codka ah ee goleyaasha deegaanka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday arrimo la xiriira hannaanka doorashada uu uga qeyb galayo xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP oo ay ku mideysan yihiin madaxda federaalka iyo mas’uuliyiinta saddexda maamul.

Xisbiga JSP ayaa dhawaan wakiilo goboleed u kala magacaabay maamulada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaasi oo ka qeyb qaadan doona dooradhada goleyaasha deegaanka.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku dadaalaya in hannaan doorasho oo qof iyo cod ah uu si nabad ah uga qabsoomo dalka dhammaadka sannadkan 2025.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe