Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isku dayayaan in ay ka baxsadaan la socodka dhaqaalaha, iyagoo u isticmaalaya xisaabaha shacabka si ay wax u kala wareegaan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen in ay u adeegsadaan Akoonada ay leeyihiin ehelada xubnaha kooxda si ay canshuur uga qaadaan goobaha ganacsiga. “Xeeladaha dhagarta ah ee uu adeegsado xubin ka tirsan Al-Shabaab waxaa ka mid ah in uu qof qaraabo ah oo aan ka shakin ku tuhmin uu u tago, isaga oo ku dhiirri geliya in uu furto xisaab bangi mobilada ah, qofka akoonka heysta wax war ah uma hayo sida loo isticmaali doono xisaabta.” sharaxay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in nidaamka la socodka isgaarsiinta Soomaaliya uu awood u siinayo ciidamada ammaanka inay ogaadaan qof kasta oo rayid ah oo xiriir la sameeya shaqsiyaadka liiska madow ku jira ee xiriirka la leh Al-Shabaab. Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa muddooyinkii dambe waday xog uruurin ku aadan taleefoonada ay adeegsadaan Ururka Al Shabaab, oo ganacsatada ay ku bixiyaan lacagaha canshuuraha ah ee ay Shabaabku qaadaan. Iyadoo gacan ka heleysa hay’ad sirdoon oo reer galbeed ah ayaa NISA u suurtagashay in ay ogaato lambarada telefoonada iyo xisaabaadka bangiga ee shaqsiyaadka liiska madow ku jira si kor loogu qaado la socodka dhaq-dhaqaaqooda maaliyadeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u bartilmaameedsanaysa shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab. Dadaalo ay ka mid yihiin in la xayiro ilaha dhaqaalaha kooxda oo la sheegay in kala bar la dhimay dhaqaalihii ay heli jireen, waxaana la fuliyay boqolaal xisaabaad oo Bangi oo lala xiriirinayo Al-Shabaab. Kiis si weyn loo hadal hayo bishii May, ayaa maxkamadda Muqdisho waxa ay 7 sano oo xarig ah ku xukuntay nin 70 jir ah oo lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab maalgeliyay.
Arrintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan Maxamuud uu sheegay in ciqaab adag la marsiin doono cid kasta oo xiriir la leh Al-Shabaab, xitaa haddii ay qaraabo yihiin. “Qofna lama xiriiri karo qof Shabaab ah, waa dambi, ogowna, haddii qof lagu helo inuu u yeeray ama xiriir la sameeyay nin Shabaab ka tirsan, waxay wajihi doonaan maxkamad, tani ma ahan wax qarsoon, qof walba waa inuu ka digtoonaado.” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in jahliga uusan mar dambe cudur daar noqon doonin.
Awaamiirta ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab iyo awooddeeda hawleed.

