Tuesday, November 5, 2024
HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya Oo Hambalyo u Diray Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Hambalyo u Diray Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo u diray dawladda Jabuuti iyo shacabkeeda, taas oo ku aadan xorriyadda dalkaas oo maanta 41-sano jirsatay.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo madaxwaynaha JFS ayaa xusay in xiriir walaaltinimo oo qoto dheer inuu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo aan sin aba loo hilmaami Karin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Bartiisa Tuwitter-ka ku soo qorey,

“Hambalyo Dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo u dabbaal dagaya xuska 27ka Juunyo oo ah maalintii ay iska rideen heeryadii gumeysiga. iyo waa laba dal oo walaalo ah, lehna xiriir sokeeye oo qoto dheer”.

Jabuuti waxa ay ka xorayday gumaystihii Ingiriiska 1977-dii, waxaana Soomaaliya oo xorriyadda kaga horaysay ay kaalin wayn ku lahayd dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka ee dalkaas ka socday.

Mudadii burburka Jabuuti dhinaceeda waxa ay door wayn ka qaadatay dawlad dhisidda Somaaliya, waxaana ay wali qayb ka tahay dadaalada lagu xoojinayo nidaamka dawladeed ee Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe