Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Israa’iil, isaga oo sheegay in booqashadiisa Israa’iil ay tahay mid taariikhi ah, isaga oo noqday Madaxweynihii 5aad ee Muslim ah ee booqasho rasmi ah ku taga dalka Israa’ii.
Madaxweyne Cirro ayaa waxa Soo dhaweeyay Madawaynaha Israa’iil, markii uu dalkaasi gaadhay. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inay sharaf u tahay soo-dhaweynta uu ka helay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, isaga oo xusay in shacabka Somaliland ay muddo 35 sano ah dhiseen qaran nabdoon, dimuqraadi ah, isla markaana adkaysi badan.
“Muddo 35 sano ah, shacabka Somaliland waxay dhiseen qaran nabdoon, dimuqraadi ah, oo adkaysi badan. Waxaan dunida weydiinaynay: Ma aragtaan? Israa’iil ayaa ugu horrayn ka jawaabtay,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in booqashadani ay calaamad u tahay bilowga cutub cusub oo xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo xusay inuu xambaarsan yahay rajada iyo himilooyinka shacabka Somaliland.
Dhankiisa, Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa qoraal uu Af-Soomaali ku daabacay baraha bulshada ku yidhi: “Ku soo dhawoow Israa’iil, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.”

