Home Warar Madaxweynaha Somaaliland oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Madaxweynaha Somaaliland oo u ambabaxay dalka Jabuuti

71

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar ugu ambo baxay  dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay Madaxweynaha  dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle.

Safarka madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa qaadan doona muddo kooban, waxana muddada ay halkaas joogaan la kulmi doonaan madaxda dalkaas, iyaga oo kala hadli doona  arrimo la xiriira xoojinta xiriirka Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan safar ku tegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo la kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyaga oo kala saxiixday heshiis ka kooban dhowr qodob.