Saturday, May 30, 2026
HomeWararGudahaMadaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo qiray Nukliyeer Dowladdiisa geysay Belarus.{AKHRISO}

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo qiray Nukliyeer Dowladdiisa geysay Belarus.{AKHRISO}

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa qiray in Hubka Halista badan ee Nukliyeerka Dowladdiisa ay geysay Dalka Belarus oo aan loo ogoleyn, Xukuumadda Moscow ayaa difaacday go’aankaas qaraar ee ka hor imaanaya diidmada hubkaas in la geeyo dalkaan.

Waxa uu sheegay in hubkaan uu difaac u yahay Ruushka si aanay loo handadin taako kamid ah dhulkiisa waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Vladimir Putin oo dahaarka ka qaadashay sheekadaan aadka loo hadal hayay.

Hadalka Putin kaddib waxaa sida caadada ah dibnaha kala qaaday Mareykanka oo indhaha la raacayay dhaqdhaqaaqa Moscow ee waddamada xulufada la ah ee Qaaradda Yurub sabab la xiriirta in Washington ay kahortageyso ballaarsiga Ruushka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in aanay arag calaad muujineysa in Ruushka uu ku qasbanaan doonno adeegsiga hubka Nukliyeerka ee halista badan ee horay loo mamnuucay adeegsigiisa.

“Ma aragno wax calaamado ah oo muujinaya in Ruushku uu isku diyaarinayo isticmaalka hubka Nukliyeerka ee halista badan, balse waa tallaab welwel dhalin karta” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Mareykanka ayaa dhowr jeer eedeyn u jeediyay dhiggiisa Ruushka kaddib markii uu dusha ka saaray in uu xasuuq ka geystay Ukraine, adeegsadayna hubka casriga ah ee dhawaan la sameeyay halka kooxaha caloosh u shaqeystayaashana uu dagaal geliyay.

Ruushka ayaa eedahaas isaga difaacay in Mareykanka iyo dalalka Xulufada la ah ay ka faafinayaan warar marin-habaabin ah oo lagu jahwareerinayo guud ahaan Caalamka, Moscow ayaa Washington ku tilmaamtay in ay hurineyso dagaalka mar haddii taageero Militari ay siineyso Ukraine.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe