Saturday, April 11, 2026
HomeWararMadaxweynaha Puntland oo Maamul KMG ah u Magacaabay Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland oo Maamul KMG ah u Magacaabay Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo .
Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo
Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland
Wuxuu xeeriyey :-
Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo
Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo
Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay, waxaana uu ka dambeeyay markii Madaxweyne Deni uu kala diray golihii degaanka degmada Gaalkacyo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe