Home Warar Madaxweynaha Puntland oo gaaray Boosaaso

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Boosaaso

332

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha Safarkiisa oo ah mid shaqo wuxuu la xiriira u kuurgelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka, isagoo kulamo la qaadanaya Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in lagula xisaabtami doono hay’addaha Ammaanka gobolka Bari, weerarkii lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso oo laga siidaayay boqolaal maxaabiis ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka Puntland duleedka Boosaaso ay kula dagaallamayaan kooxo hubeysan oo xalay soo weeraray Magaalada.