Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweynaha JFS oo safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti

Madaxweynaha JFS oo safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.

Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe