Sunday, June 28, 2026
HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay doorashooyinka

Madaxweynaha Galmudug oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula yeeshay Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga Galmudug iyo Doorashada Soomaaliya ee haatan socota.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay taageerada beesha caalamka ee doorashooyinka dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ku cadaadinaya in aysan markale dib u dhicin doorashada Soomaaliya, isla markaana loo qabto si xor iyo xalaal ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe