Monday, August 24, 2026
HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo Isbitaalka ku booqday dhaawacyada dagaalo ka dhacay Galgaduud

Madaxweynaha Galmudug oo Isbitaalka ku booqday dhaawacyada dagaalo ka dhacay Galgaduud

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug  Dr. Maxamed Nuur Cagal ayaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdishu ku booqday Xildhibaan Xasan Xirsi Faafaale oo halkaas lagu dabiibayo.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanka u rajeeyay caafimaad taam ah asagoona xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen Allaha u naxariistee Taliyihii guutada 13aad G/dhexe Cali cagaweyne iyo taliyihii howlgalinta qeybta 21aad Gle/sare Cabdiqaadir Cartan Gasaawe oo ku shahiiday howlgal ka dhan ahaa kooxaha argagaxisada, loogana guuleystay deeganadii ay kusoo duuleen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe