Saturday, July 25, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweynaha Galmudug oo beeniyay inuu ku dhaawacmay weerarkii saakay lagu qaaday degaanka...

Madaxweynaha Galmudug oo beeniyay inuu ku dhaawacmay weerarkii saakay lagu qaaday degaanka Laas-gacaneey

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa beeniyay warar sheegayay inuu ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo saakay lagu qaaday degaan uu ku sugan yahay oo lagu magacaano Laas-gacaneey oo katirsan degmada Bacaadweyne.

Madaxweyne Qoorqoor oo soo duubay muuqaal ayaa sheegay in isaga iyo masuuliyiinta kale ee kula sugan degaanka ay bed qabaan, isagoo sheegay wararka sheegaya inay ku dhaawacmeen ay yihiin dacaayado ay Shabaabku faafiyeen.

Qoorqoor oo ku sugan deegaanka Laas-gacaneey ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa weerar fuleynimo ah oo muujinaya in As ay ku jiraan rafashadii ugu dambeeysay.

Wuxuu sheegay inay kusii sugnaan doonaan goobaha hore ee dagaalka, isagoo sheegay in maalmaha soo socda la maqlidoono guul weyn oo laga gaaray dagaalka As.

Saakay waaberigii ayay ahayd markii Alshabaab ay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa kusoo weerareen degaanka Laas-gacaneey, halkaas oo farriisin u ahayd madaxweyne Qoor qoor iyo masuuliyiin kale.

Degaankan ayaa 25km u jirta degaanka Wisil ee gobolka Mudug. Maalmo ka hor ayuu madaxweynaha Galmudug ka dhigtay fariisin laga hago dagaalka As.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo katirsanaa xubnaha  madaxweyne Qoorqoor kula sugan degaankaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhaawac gacanta ah uu soo gaaray, halka Senator Cabdiqeybdiid uu sheegay in madaxa uu dhaawac kasoo gaaray.

Dhaawacooda wuxuu sheegay inuu sabab u ahaa saamaynta qaraxa ka dhashay oo sababtay inuu kusoo dumo guri ay ku jireen oo jiingad ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe