Monday, June 22, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye oo kulan la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee...

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye oo kulan la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa qaabbilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelmann oo uu soo dhammaatay shaqadii danjirinimo ee ay dalka u joogtay iyo Wafdi la socday.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay danjiradda sare u qaadidda kaalinta wadashaqeynta Midowga Yurub ay la leedahay Dowladda iyo dadka reer Galmudug. Dhankooda Tina Intelmann ayaa ballan qaadday iney Galmudug ka caawin doonaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Galinkii dambe ee shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, isaga oo ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadiisa sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee aan la leenahay Midowga Yurub. Isaga oo dhanka kale guul iyo nasiib wacan u rajeeyey Danjiraha.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe