Sunday, October 13, 2024
HomeWararMadaxweynaha Dalka Eritrea oo Maanta Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dalka Eritrea oo Maanta Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho.

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa saaka booqasho ku imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Wafdigiisa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaasi , Wasiiro iyo Ganacsato.

Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho xilli horay uu Muqdisho u soo gaaray Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana  xiran wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Calanka iyo Sawirka Madaxweynaha Eritrea ayaa lagu sharaxay  wadooyinka Muqdisho, waxaana lagu waddaa in garoonka Muqdisho uu kusoo dhaweeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe