Tuesday, May 26, 2026
HomeWararMadaxwaynaha Ruushka oo amar ku aadan Ukrain siiyay Ciidamadiisa

Madaxwaynaha Ruushka oo amar ku aadan Ukrain siiyay Ciidamadiisa

Ciidamada Ruushka ayaa lagu amray inay labada gobol ka fuliyaan waxa loogu yeero “howlgalka nabad ilaalinta.

Wararka ka imaanaya gobolka Donetsk oo ka mid ah labada gobol ee ka go’ay bariga Ukraine ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo gaashaaman lagu arkayay gudaha magaalada ugu weyn.

Amarkan ayaa waxaa bixiyay madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya cambaareynta loo so jeedinayo go’aanii madaxwayne Putin ee uu labada gobol Donetsk iyo Luhansk ugu aqoonsaday dalal madaxbanaan.

Aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa sheegay in Putin uu go’aankaas ku wargeliyay hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka.

Madaxwaynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky oo khudbad jeediyay xalay ayaa dhankisa ku tilmaamay tallaabada Ruushka ku xad-gudb sharafta iyo madax-banaanida dalkiisa.

Bilowgii shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlayay Ukraine ayaa danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay waxay uu sheegay in dunidu aysan indhaha ka qabsan cadaawada Ruushak ee ka dhanka ah Ukraine.

Waddamada Galbeedka ayaa marar badan uga digay Ruushka inuu dalal madax bannaan u aqoonsado gobolladaas, waxaana la filayaa in tallaabadan ay soo xirto albaabka wadaxaajoodka.

Saddex aag oo uu Ruushka ka billaabi karo duullaanka milateri ee la rumaysan yahay inuu ku qaadi rabo Ukraine ayaa kala ah:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe