Monday, October 14, 2024
HomeWararMadaxwaynaha Jubaland Oo Sheegay Inay siiwadayaan Hawlgalada Kadhanka Al-shabaab

Madaxwaynaha Jubaland Oo Sheegay Inay siiwadayaan Hawlgalada Kadhanka Al-shabaab

Kadib howlgal  lagu Dilay Rag  ka tirsanaa  Alshabaab oo ka dhacay deegaanada Waqooyi ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa halkaasi tagay madaxweynaha JubbalandAxmed Madoobe.

Ujeedka socdaalkiisi oo  ahaa ukuurgalka xaaladda deegaanadaasi ayuu madaxweynaaha wuxuu warbixino ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa siweyn ugu ammaanay ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland sida ay u difaacayaan Dalkooda wuxuuna intaasi ku daray in ay sii socondoonaan howlgalada ka dhanka Ah Alshabaab.

Madaxweynahu waxaa uu tagay dhamaan deegaanadii ugu danbeeyay ee Al-shabaab laga saaray isagoo Ciidamada ku booriyay in ay u dhabar adaygaan halganka ay wadanka ku xoraynayaan,wuxuuna intaasi sii raaciyay in dhuldambe oo laga qabtay Alshabaab aanay dib ugu soo laaban doonin.

Wuxuu ugu baaqay shacabka kunool deegaanada Jubbaland in ay ciidamadu kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa nabadgeliyada deegaanadaasi,iyagana laga dulqaado dhibaatooyinka ay ku qabaan Alshabaab.

Booqashada madaxweynaha Jubbaland ayaa ku soo beegmaysa kadib dagaal deegaanka Baarsanguuni uu ku dhexmaray Ciidanka Dawlada Fidraalka Soomaaliya  iyo al-Shabaab

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe