Xabsi ku yaala magaalada kismaanyo ee Xarunta Kumeelgaarka Ee Maamulka Jibaland ayaa waxaa Lagasiidaayay 40Maxaabiisa ku Ee Daysnaa al-shabaabnimo Ku Waasi oo mudo dheer Ku xirnaa Xabsiga Nabadsugida Maamulka Jubaland.
Taliyaha laanta Dambi Baarista Iyo Nabad Suggida Jubbaland Korneyl Ahmed Muuse Xirsi, ayaa wuxuu sheegay maxaabiistaan xabsiga Nabad Suggida Jubbaland laga sii daayay inay yihiin kuwa muddo xirnaa, islamarkaana Madaxweynaha uu cafis ku sii daayay.
Wuxuu sheegay baaris iyo dabagal dheer markii lagu sameeyay Maxaabiista in la ogaaday dambiyada ay galeen inay ahaayeen kuwa fudud, islamarkaana xilligii Shabaab ay ka tirsanaayeen aaney aheyn dad shaqooyin muhiim ah u qaban jiray.
“Waxaanu xabsiga Nabad Suggida Jubbaland ka sii daynay Maxaabiis, Maxaabiistaan oo muddooyin kala duwan xirnaa, dhamaantood waxa ay ka tirsanaayeen Ururka Al Shabaab, kiisaskoodana waxa ay isugu jireen kuwa qiraal ah iyo kuwa Marqaati loo haayay.” Ayuu yiri Taliyaha Laanta Baarista Nabad Suggida Jubbaland.
Axmed Madoobe, ayaa dadkaan cafiyay maalintii ciida aheyd, waxaana fulinta amarka fasaxooda uu dhacay shalay oo xabsiga Magaalada Kismaayo laga sii daayay.