Sunday, May 17, 2026
HomeWararGudahaMadaxdii Dalka Soomaaliya oo waqtiga ka dhammaaday iyadoo Muqdisho oo laga diiday...

Madaxdii Dalka Soomaaliya oo waqtiga ka dhammaaday iyadoo Muqdisho oo laga diiday isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah

Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa joojiyay isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga, kunka shillin (1,000) oo ah lacagta keliya kasoo hartay lacagihii uu dalka lahaa ayaa laga diiday suuqyada Caasimadda.

Gaadiidka Dadweynaha, Suuqyada iyo Dukuumada yaryar ee Caasimadda oo ah meelaha kooban ee isticmaalka Shillin Soomaaligu uu ku badnaa ayaa laga diiday dadkii doonayay in ay wax kusoo iibsadaan.

Dadka ugu badan ee arrintaan saamaynta taban ay ku reebtay waa shaqsiyaadka sida joogtada ah u raaca Gaadiidka dadweynaha.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee waqtigedii dhammaaday iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa laga sugayay in jawaabta ay ka bixiyaan maadaama arrintaan ay saamayn taban ku reebo Dad badan oo haysta lacagta shillin Soomaaliga ah.

Qaybo kamid ah Gobollada Dalka kol hore ayay ka istaagtay lacagtaan iyada oo dadku adeegsadaan lacagaha la isugu diro teleefannada, haatan caasimadda oo kamid ahayd meelaha kooban ee isticmaalkeedu kusoo hartay ayaa maanta laga diiday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe