Saturday, May 2, 2026
HomeWararGudahaMadaafiic lagu garaacay Gobolka Shabeellaha Hoose oo sababay dhimashada 10 ruux iyo...

Madaafiic lagu garaacay Gobolka Shabeellaha Hoose oo sababay dhimashada 10 ruux iyo dhaawaca 13 ruux oo u badan qoys.

Dhowr madfac ayaa ku dhacay deegaanka Baalow ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah.

Madaafiicda ayaa lala beegsaday deegaanka Baalow kadib dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray halkaasi. Toban qof oo rayid ah ayaa ku dhintay.

13 kale oo u badan hal qoys ayaa ku dhaawacmay kuwaas oo loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho. Dadka qaar ayaa xaaladoodu aad u liidataa, waxaana la xaqiijiyay in labo ka mid ah dadkii dhaawacmay ay shalay galab ku geeriyoodeen Isbitaalka.

Ibraahim Siidow oo ka mid ah qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay ayaa sheegay in afar caruur ah oo uu dhalay ay dhinteen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Hooyadii, Aabihii iyo xaaskiisa.

“Madaafiic ayaa nagu soo dhacday, wuuna na baabi’iyay, afar ka mid ah carruurteyda ayaa dhimatay, midna waa dhaawacmay, aabbahay, hooyaday iyo xaaskeyga waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah,” ayuu yiri Ibraahim Siidow.

Weerarkii Madaafiicda ahaa ee u dambeeyay ayaa kusoo beegmaya xilli sidan oo kale ay uga dhaceen deegaanka Bariire iyo tuulooyinka hoosyimaada, iyadoo duqeymo hore oo dhanka cirka ah ay geysteen dad rayid ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe