Home Warar Maamulka Warsheekh oo war ka soo saaray dil argagax leh oo ka...

Maamulka Warsheekh oo war ka soo saaray dil argagax leh oo ka dhacay duleedka degmadaasi

121

Xoghayaha degmada Warsheekh Cabdullaahi Raage Colow oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dil argagax leh oo xalay dad isku qoys ahaa loogu geystay duleedka degmadaasi oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Colow ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Sidoo kale xoghayaha ayaa intaasi ku daray in ay tuhun weyn ka qabaan ka qabaan falkaas inuu salku kayo aano qabiil, sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay in dhacdadaasi ay aheyd mid arxan darro ah oo lagu beegsaday dad birimi-geydo ah oo haween iyo carruur isugu jiro.

Weerarkaas waxaa lagu dilay Hooyo umul aheyd, canugii ay dhashay oo 40-cesho aan gaarin iyo wiil kale oo ay dhashay oo 3-sano jir ahaa, halka la dhaawacay haweeney qoyska ka mid aheyd iyo wiil 5 sano jir ah.

Si kastaba weerarrada noocaan ah ayaa mudooyinkii dambe ku soo badanayey gobolka Shabeellada Dhexe, laba bilood ka hor, 17-kii Sebtember ayaa sidaan oo kale koox weerar u soo qaaday waxay hal meel ku dishay lix culumo ah oo Qur’aan akhris ku jirtay, iyagoo dhaawacay mid kale, waxuuna falkaasi ka dhacay duleedka Raaga-Ceelle.