Friday, March 29, 2024
HomeWararMaamulka Hir-Shabeelle oo shaaciyay qabashada doorashada 11 Kursi

Maamulka Hir-Shabeelle oo shaaciyay qabashada doorashada 11 Kursi

Guddiga doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeele ayaa shaaciyay doorashada 11 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kuraasta la shaaciyay ayaa waarkood doorashadooda aad xasaasi u tahay, waxaana Afartii sano ku fadhiyay Siyaasiyiin saameyn ballaaran ku leh Maamulka Hir-Shabeelle.

11 Kursi oo doorashadooda la filayo in dhawaan ka dhacdo Magaalada Jowhar ayaa waxaa kunira Afar Haween ah, waxaana kuraasta ay kala yihiin.

1. HOP#005 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cumar Ceymooy

2. HOP#024 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabdulkadir Carabow Ibraahim

3. HOP#033 oo uu ku fadhiyo Yuusuf Ibraahim Afrax kabaale

4. HOP#052 oo ay ku fadhiso Farxiyo Maxamud Dhaqane

5. HOP#070 oo uu ku fadhiyo Aadan Cali Xasan

6. HOP#088 oo ay ku fadhiso Dahabo Suusow Maxamuud

7. HOP#097 oo ay ku fadhiso  Khadiijo maxamed Diiriye oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Gargaarka ee dowladda Soomaaliya.

8. HOP#098 oo uu ku fadhiyo Maxamud Maxamed Jimcaale

9. HOP#106 oo ay ku fadhiso Muno Xasan Maxamed

10. HOP#115 oo uu ku fadhiyo  Cali Maxamed Cumar
11. HOP#140 oo uu ku fadhiyay Sanadihii la soo dhaafay Cabdulkadir Osoble Cali oo kamid ah Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha.

Maamulada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Gabeed ayaa la filayaa inay noqdaan Maamulada ugu horreeya ee dhaqan geliya heshiiskii Golaha wadatashiga, isla markaana deg deg ku qabta doorashada Golaha Shacabka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe