Tuesday, November 12, 2024
HomeWararMaamulka G/Shabeellaha Dhexe & howlgalka ATMIS oo ku raacay billaabida wajiga labaad...

Maamulka G/Shabeellaha Dhexe & howlgalka ATMIS oo ku raacay billaabida wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Ciidamada Burundi ee ka midka ah hawgalka ATMIS iyo Masuuliyiinta Shabeellada Dhexe ayaa kawada Hadley sidii loosugi lahaa amniga wadooyinka muhiimka ah ee gobolka.

Shirkaas oo la soo agaasimey si loo helo guulo dhinaca amniga ah loona yareeyo caqabadaha wajiga labaad ee hawlgalka la dagaalanka Al-Shabaab oo mar dhaw ka bilaabmaya gobolada koonfurta Soomaaliya.

Taliye Kuxigeenka Qaybta 5aad ee hawlgalka ATMIS,Gaashaanle Sare Oscar Hatungimana ayaa dib u xaqiijiyey ka go’naanshaha hawlgalka ATMIS ee Caawinta Ciidamada Amniga Soomaaliya sidii ay usugi lahaayeen Aminga wadooyinga muhiimka ah ee ay soo weeraraan Al-Shabaab iyo kooxo kale oo hubeysan loona xaqiijinlahaa in si nabad ah isugu socdaan Gaadiidka iyo shacabka.

“Waxaan kawada hadalney sidii aan u hagaajinlaheyn Amniga aagaga aan masuulka kanahey iyo sidii aan isugu xiri laheyn Shaqooyinka ay hayaan Ciidamada amniga Soomaaliya iyo kuwa Ciidamada Burundi ee kusugan gobolka shabeellaha dhexe” sidaas waxaa yiri Gaashaanle Sare Oscar Hatungimana.

Waxaa kaluu balanqaadey in uu adkeynayo wada shaqeynta Ciidamada Burundi ee Hawlgalka ATMIS iyo Maamulka gobolka shabeellaha dhexe si loo sugo Amniga.

Qaybta 5aad waxey kutaalaa meel aad muhiim u ah lagana difaaci karo weerarada Magaalada muqdisho oga yimaada A-Shabaab, waxaa kale oo ay muhiim u tahey isu socodka Alaabada iyo Shacab ee Magaalada caasimada ah iyo gobolada kale ee dalka.

“Waxaan ku heshiiney in aan adkeyno wadashaqeynta dardargalinana hawlgallada lagu sugayo amniga si aan ooga hortagno weerarada ay soo qaadaan cadawga, una adkeyna amniga wadada isku xirta magaalada jawhar iyo garoonka Diyaaradaha iyo wadooyinka kale ee muhiimka ah ee gobolka” sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Shabeelada dhexe, Ahmed Meyre Makaran.

Gudoomiyaha Shabeelada dhexe, Ahmed Meyre Makaran isagoo ku hadlaya magaca Maamulka Gobolka ayuu yiri waa muhiim in laga hortago Al-Shabaab iney hakiso isusocodka shacabka iyo Ciidamada ee wadooyinka muhiimka ah, isagoo ku darey in maamulkiisa ay la shaqeynayaan Ciidamada ATMIS si loo wiiqo kooxda argagixisada ah.

Shirkaas waxaa kaloo goobjoog ahaa Taliyaha Booliska Hirshabelle, Gaashaanle sare Hassan Dhicisow Hasan; Gudoomiyaha Degmada Jowhar, Osman Mohamud Mukhtar; Maayarka Jowhar, Mohamud Hassan Barise; iyo Gudoomiye kuxigeenka Gobolka ahna kusimaha maaliyada, Muse Shatawe.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe