Friday, March 29, 2024
HomeWararMa laga yaabaa in Biden uu ciidamadii Trump uu kala baxay Soomaaliya...

Ma laga yaabaa in Biden uu ciidamadii Trump uu kala baxay Soomaaliya dib ugu celiyo?

 Madaxweynihii Mareykanka ee xilka ka degay, Donald Trump ayaa 15-kii bishan amray in ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya laga soo saaro.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogay 700 oo ciidamo ah, kuwaas oo ciidamada Soomaaliya ka caawiya la dagaallanka al-Shabab iyo mintidinta kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka.

Diblomaasiyiinta iyo kooxaha korjoogtada ah ayaa ka digaya in – dalkan oo muddo soddon sano ku jiray xaalado jahwareer leh – uu mar kale qarka u saaran yahay fowdo, iyadoo dadaalka dib u dhiska Soomaaliya uu haatan khatar ku jiro

Xilliga uu Mareykanka ciidankiisa kala baxay Soomaaliya ayaa ku soo aadey iyadoo doorasho ay ku soo fool leedahay dalka, lagana baqayo in khilaafka ka taagan hannaanka doorashada uu dhibaato horseedo.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa xilli muhiim ah,” Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swann, ayaa sidaas BBC-da u sheegay, isagoo ka digay in dhaqanka hoggaamiyeyaasha qaranka iyo kuwa gobollada – ee isku haya hannaanka doorashada baarlamaaniga ah ee dadban- uu horseedi karo rabshado.

Go’aanka Trump ayaa ka nixiyay qaar ka mid ah Soomaalida gudaha dalka ku sugan, kuwaas oo madaxweynaha cusub Joe Biden ka codsaday inuu wax ka beddelo arrintaas.

Sanator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa go’aankaas ku tilmaamay “mid aad looga shalleyn karo”. Wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay wax weyn ka qabteen tababarka iyo tayada ciidamada Soomaaliya.

Milkiilaha hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, oo weerar lagu qaaday hoteelkiisa bishii August ee sanadkii hore ay ku dhinteen 15 qof, ayaa walaac weyn ka muujiyay in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

“Aad ayay inoo dhibeysaa,” ayuu yiri milkiilaha hoteelka. “Weli waan u baahannahay Ameerikaanka, gaar ahaan dhanka ammaanka.”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilaabay inuu wax ka beddelo qaar ka mid a siyaasadihii ugu waaweynaa Donald Trump, saacado kaddib markii la dhaariyay

“Ma jiro waqti la luminayo marka ay timaaddo wax ka qabashada xasaradaha aan wajaheyno,” ayuu barta Twitter-ka ku soo qoray xilli uu ku sii jeeday Aqalka Cad.

Sharciyada horyaalla waxaa ka mid ah kan muranka badan dhaliyay ee mamnuucista safarka lagu tagi karo Mareykanka, ee dalalka qaar oo Soomaaliya ay ka mid tahay uu kusoo rogay madaxweynaha isaga xilka uu kala wareegay ee Donald Trump.

Madxaweyne Biden ayaa khudbadiisii caleema saarka ku sheegay in Mareykanka uu hagaajin doono xiriirka caalamka, iyadoo mararka qaar ay khudbadiisa u muuqatay mid uu ku durayo siyaasadda maamulkii ka horreeyay ee Trump.

“Dib baan u hagaajin doonnaa xulafadeennaa dunidana mar kale ayaan la macaamili doonnaa,” ayuu yiri.

Biden wuxuu bishii Oktoobar ee sanadkii hore cambaareeyay go’aankii uu Donald Trump ciidamada Mareykanka uga saaray Suuriya.

Iyadoo 100-ka maalmood ee ugu horreeya madaxtinnimadiisa uu qorsheynayo inuu wax badan ka beddelo qaar ka mid ah siyaasadihii Donald Trump, haddana ma cadda inuu xisaabta ku darsan doono ciidamada Mareykanka ee laga saaray dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Afhayeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika Col. Chris Karns oo la weydiiyay in maamulka Madaxweyne Joe Biden uu wax ka beddeli doono arrintaas, ayaa sheegay inaan hadda la saadaalin karin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe