Magaalada Lusaka ee caasimadda Dalka Zambia waxaa ka socda baaris lagu sameynayo diyaarad gaar ah oo lagu qabtay lacag caddaan ah oo dhan $5 Milyan oo doollar, dahab aan caddadiisa la sheegin oo been abuur ah, qori & rasaas.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, diyaaraddaan lama garan cidda iska leh iyo ujeedka loo waday, waxa ay ka timid dhanka Jamhuuriyadda Carabta Masar inkasta oo aanay jirin ilaa hadda mas’uuliyiin faah-faahin ka bixiyay arrintaan.
Waxaa la qariyay xogta oo dhammeystiran maadaama ay socdaan baaritaanno la xiriira arrintaan, su’aalo badan oo jawaabahooda la raadinaya ayaa bannaanka yaalla waana tan keentay in dhinacyada Masar iyo Zaambiya ay ka gaabsadaan hor istaagga warbaahinta.
6 ruux oo la socday diyaaradda ayaa la xiray, ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dhammaan dadkaas ay kasoo jeedaan Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, waxaana la geeyay goob gaar ah si aanay xogtooda bannaanka usoo bixin.
Muwaadin u dhashay Zambia ayaa la xukumay balse weli eedeymo laguma soo oogin muwaadiniinta Masaarida ah ee la qabtay, ma jirto xog muujineysa in uu wadahadal toos ah u socda Xukuumadaha Lusaka & Qaahira.

