Friday, June 12, 2026
HomeWararlixdan qof oo ku dhimatay Goob ay xaflad ka socotay dalka Kuuriyada...

lixdan qof oo ku dhimatay Goob ay xaflad ka socotay dalka Kuuriyada Koonfureed

59 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday xaflad ku saabsaneed caado dhaqameed laguna dhigayay goob caan ah oo ku taalla caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay saraakiishu sheegeen.

Wakaalada wararka ee Yonhap oo soo xiganeysa kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa sheegtay in 150 kale lagu dhaawacay degmada Itaewon ee magaalada Seoul.

Muuqaal goobta laga soo duubay ayaa muujinaya meydka dadka oo yaalla waddooyinka, shaqaalaha gargaarka degdegga ah ayaa sameynaya dadaallo xooggan oo dadka ay uga daad gureynayaan goobta.

Sidoo kale waxay samatabixiyaashu isku dayayaan soo badbaadinta dadka ku xaniban halka wax ka dhaceen. Ilaa hadda ma cadda waxa sababay shilkan.Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa ku baaqay shir degdeg ah.

Farriimo baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya dadka qaar oo hadal haya in ciriiri badan ka jiray aagga shilku ka dhacay.Weriyaha BBC-da Hosu Lee, oo goobta booqday, ayaa sheegay inuu arkay shaqaalaha gurmadka ah oo halkaa ka qaadaya meyd tiro badan.

Facebook
Twitter
Pinterest
WhatsApp
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe