Sunday, December 7, 2025
HomeWararLacagtii hore ee Itoobiya oo maanta la joojiyay isticmaalkeeda

Lacagtii hore ee Itoobiya oo maanta la joojiyay isticmaalkeeda

Sida uu shaaciyay Bangiga Qaranka ee Itoobiya waxaa maanta guud ahaan la joojiyay isticmaalka lacagtii hore ee Itoobya, iyadoo aan waxba lagu kala iibsan doonin laga bilaabo maanta oo Talaado ah.

Bangiga ayaa sidoo kale sheegay inay maalmo kooban sii socon doonto badalaada lacagtii hore, cidda jeebkeedu kusii jirtana ay ka badalan karto bangiga muddo 2 toddobaad gudahooda.

Degaanka Soomaalida ayaa meelaha qaar laga soo sheegayaa bangiyada oo ku yar awgii in wali dadku haystaan lacagtii hore.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe