Monday, December 9, 2024
HomeUncategorizedLa Taliyihii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee dhanka Warfaafinta oo is casilay.

La Taliyihii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee dhanka Warfaafinta oo is casilay.

La Taliyihii dhinaca Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/qaadir Cashir Nadaara ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Mr Nadaara oo horay uga soo shaqeeyay warbaahin kala duwan ayaa sheegay inuu isku casilay Musharaxnimada kursi Xildhibaan uu baneeyay Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen oo markii xilkaas loo magacaabay si toos ah u waayay Xildhibaanadiisa.

Waxaa uu sheegay inuu ka qeyb geli doono tartanka doorashada kursiga Xildhibaanimo oo dhowaan ka dhici doonta magaalada Baydhabo.

C/qaadir Nadaara ayaa la filayaa inuutaageero ka helo Xukuumadda, si uu ugu guuleysto Kursiga Xildhibaano, iyadoo horay Musharaxiin ay wadatay Xukuumadda ay ku guuleysteen Kuraastii banaaneyd ee Golaha Shacabka ee doorashadooda dhowaab ka dhacday Dhuusamareeb, Kismaayo iyo Jowhar.

Guddiga doorashada ayaa qaban qaabinaya doorashada kursiga banaan ee Golaha Shacabka oo dhowaan ka dhici doonta magaalada Baydhabo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe