Home Warar Kuuriyada Koofureed oo wafdi u direysa Tehran kadib markii Iran qabsatay markab...

Kuuriyada Koofureed oo wafdi u direysa Tehran kadib markii Iran qabsatay markab siday Kiimiko!

61

Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqday in ay wafdi u dirayso Iran si ay uga wada hadlaan siidaynta Markab ay qabteen ciidamada Iiraan, diblomaasiyiin sare oo ka socda Kuuriyada Koofureed ayaa lagu wadaa in ay tagaan Tehran, iyada oo xiisad ka taagan $ 7bn oo ah lacagta Iran taas oo ku xayiran bangiyada Kuuriya sababo la xiriira cunaqabateynta Maraykanku saaray Iran.

“Waqtiga ugu horeeya uguna macquulsan, wafdi heer-Dowladeed ah oo uu hogaaminayo agaasimaha gobolka ayaa loo diri doonaa Iran si ay isugu dayaan in ay arinta ku xaliyaan dhulka iyadoo loo marayo wadahadal laba geesood ah” afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Kuuriyada Koonfureed Choi Young-sam ayaa u sheegay warbixin kooban oo maanta oo talaado ah uu ka soo saaray magaalada Seoul.

TV-ga qaranka ee Iran ayaa hore u soo xigtay sarkaal ka tirsan xukuumada Tehran isagoo sheegay in wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee Kuuriyada Koonfureed Choi Jong-kun horay loogu sii qorsheeyay inuu booqdo ka hor inta aan la qaban markabka Hankuk Chemi si looga wada hadlo dalabka Iran ee ah in lacagta la xayiray la siidaayo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Choi wuxuu ka wada hadli doonaa Iran “arrimo kala duwan” afhayeen Choi ayaa yiri.

Warka booqashooyinka ayaa yimid iyadoo wasaarada arimaha dibada ee Kuuriyada Koofureed ay u yeertay safiirka Iran u fadhiya Seoul si ay kulan ula yeelato waxayna ku boorisay in si deg deg ah loo sii daayo markabka iyo shaqaalihiisa oo gaaraya 20 qof. maalintii Isniinta waxa warbaahinta Iran ay ku sheegeen xadgudubyada wasakhaynta.

Safiirka Iran Saeed Badamchi Shabestari oo wax laga waydiiyay xaalada shaqaalihii markabka ka hor kulankiisii wasaarada arimaha dibada ee Seoul, ayaa saxaafada u sheegay “dhamaantood waa ay bad qabaan”.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa Talaadadii diiday eedeymaha sheegaya in Iran qabsashadeeda markabka Kuuriyada Koonfureed ay u dhiganto afduub. Wuxuu sheegay in Kuuriyada Koofureed ay haysato $ 7bn oo ka mid ah dhaqaalaha Iran ee “afduub”.

“Waan la qabsanay eedeymaha noocan oo kale ah… laakiin hadii ay jiraan wax afduub ah, waa dowlada Korea oo haysa $ 7bn oo aan iska leenahay sababo aan sal iyo raad lahayn,” ayuu afhayeenka Ali Rabiei u sheegay suxufiyiinta shir jaraa’id oo toos looga sii daayay internetka.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo Iiraan ay muujineyso talaabooyin sii kordhaya oo ay ku dooneyso in ay ku sheegato sheegashadeeda gobolka iyadoo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden uu isku diyaarinayo inuu xafiiska la wareego dabayaaqada bishaan, isagoo kala wareegi doona Donald Trump.

Maalintii Isniinta, Tehran waxa ay kaloo sheegtay in ay dib u bilowday 20% bacriminta yuraaniyamta ee xarunteeda nukliyeerka ee Fordow – jebinta heshiiskii nukliyeerka taariikhiga ahaa ee Iiraan ay la saxiixatay lix quwadood oo caalami ah sanadkii 2015.

 

Mareykanku wuxuu kaligiis uga baxay heshiiskii 2018, iyadoo maamulka Trump uu dib u saaray cunaqabateyn curyaamisay Iran oo qeyb ka ah siyaasadeeda “cadaadiska ugu badan”.