Tuesday, May 26, 2026
HomeWararKursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka oo Goordhow lagu doortay Ceelwaaq

Kursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka oo Goordhow lagu doortay Ceelwaaq

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ku doortay Kurisgii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.

Kursiga Hop#119 ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay musharixii kale ee la tartami lahaa kaas oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Goobta doorashada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf kuxigeenkiisa Mowliid Mataan & Masuuliyiin katirsan dowlad Goboleedka Jubbland.

Ilaa 11 Kursi ayaa Maanta lagu wadaa in lagu doorto degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo ah degaan doorashada labaad ee Maamulka Jubbaland, halkaas oo amniga siweyn loo adkeeyay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe