Mar kale manta waxaa Muqdisho ka sii socon doona kulanka Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka, kaasi oo ay garwadeen ka yihiin Diblumaasiyiinta Mareykanka iyo Ingiriiska.
Kulanka oo galaya marxalad xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, halka Mucaaradka ay matalayaan Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Deni.
Sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen, dooda ugu adag ee labada dhinac ay maanta diiradda saari doonaan waa qabsoomida Doorashada Heer Federaal, gaar ahaan in laga heshiiyo muddo xileedka Dowladda.
Dastuurka Federaalka ee la meelmariyay billaawgii sanadka ayaa dhigaya in muddo xileedka Madaxweynaha iyo Dowladda yahay muddo shan sano ah oo ku eg 2027, halka arrintaasi ay ka gows adeegayaan Xubaha Mucaaradka ay diidan yihiin in muddo xileedka dhaafo afar sano oo ku eg 2026.
Labada dhinac ayaa sidoo kale maanta la filayaa in ay iska soo saaraan guddi farsmo oo sii falanqeeya doodaha taagan sida arrimaha Dastuurka, Doorashada Dowlad goboleedyada iyo heer dowlad goboleed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, si awoodda loogu dhaweeyo dadweynaha Soomaaliyeed.

