Tuesday, March 18, 2025
HomeWararKulan Natiijo La'aan Oo Dhexmaray Trump Iyo Kim Joghn Un

Kulan Natiijo La’aan Oo Dhexmaray Trump Iyo Kim Joghn Un

Kulankii u dhaxeeyey hoggaamiyeyaasha wadamada Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ee Donald Trump iyo Kim Jong-Un  ee ka socday dalka Veitnam ayaa Maanta oo Khamiis ah soo geba-gaboobay,iayda oo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa shaaciyey in kulankii labada hoggaamiye uu natiijo la’aan soo dhamaaday,isla markaana  aan wax heshiis ah laga gaarin sidii nukliyeerka loo tirtiri lahaa.

Labada masuul ayaa dalka Singapore ku yeeshay shir taariikhi ah bishii Juunyo ee sannadkii hore,balse kan ayaa ahaa kii labaad oo natiijada kasoo bixi kartay horay loo sii shaaciyey maadaama uu ahaa mid aan waqti badan  la gelin.

Xukuumadda Washington ayaa markii hore sheegtay in Kuuriyada Waqooyi aan laga dabcin doonin cunaqabataynta tan iyo inta ay iskeed uga harayso hubkeeda nukliyeerka ah, balse Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu yaqaannaa in ay ku adkayd arrintaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe