Sunday, March 23, 2025
HomeWararKulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere.

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere.

Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa ka waramay kulan looga hadlayay ammaanka degmada oo maanta ka dhacay halkaasi.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xoojinta nabadgelyada ka jirta degmada Qansax-dheere iyo sidii loo laba jibaari lahaa, si wada shaqeyn ay u dhaxmnarto maamulka iyo shacabka.

Kulanka oo lahaa laba waji ayaa kan hore waxay la qaateen saraakiisha ammaanka degmada oo ay iska xog wareysteen arrimaha ammaanka, halka kulanka labaad ay la yeesheen qeybaha kala duwan bulshada.

“Maanta waxaan ka hadalnay xaaladaha ammaanka, waxaan kulan muhiim ah la qaadanay saraakiisha ammaanka iyo shacabka, ujeedka wuxuu ahaa sidii Shabaab looga dulqaadi lahaa degmada Qansax-dheere.” Ayuu yiri Guddoomiye Qaaqane.

Degmada Qansax-dheere ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doonka saareen ururka Al-shabaab, waliba hada oo lagu guda jiro bisha Ramadaan Shabaabka waxay kordhiyeen in degmada aanay waxba soo gelin kana bixin.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

371 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe