Tuesday, April 14, 2026
HomeWararKulan dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Afrika

Kulan dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka wada hadlay sare u qaadidda iskaashi wadaagga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa kula kulmay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa , Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat, isagoo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha qaaradda ee labada dhinac ay danaynayaan oo ay ku jirto deganaanshaha gobolka iyo dib-u-cusboonaysiinta muddo sharciyeedka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Wasiirka ayaa uga warbixiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee uu dalku haatan ku sugan yahay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe