Home Warar Kulamo Gooni gooni ah oo ka dhacay Magaalada Garoowe

Kulamo Gooni gooni ah oo ka dhacay Magaalada Garoowe

98

Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal waxaa weli ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin, Xubnaha mucaaradka & Muxafidka isugu jira ee ku sugan halkaas, iyaga oo ka hadlay arrimaha muranka uu ka taagan yahay ee doorashooyinka Qaranka.
Xalay waxaa Magaalada Garoowe ku kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre & Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyaga oo kulankooda uga hadlay Arrimaha dhowr ah.

Wararka kulanka aan ka helnay ayaa sheegaya inay ka wada hadleen xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaana si gaar ah diiradda ay u saareen sidii looga wada shaqeyn lahaa hannaan ay dalka uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsanyahay.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah bulshada reer Galmudug ee degan magaalada Garoowe.
Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid Madaxweyne qoor qoor uu xog-wareysi kula yeelanayay Bulshada si uu uga dhageysto hadii ay jiraan dhibaatooyin ay qabaan, iyaga oo u gudbiyay Warbixin ku saabsan xaaladaha ay ku nool yihiin.
Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha iyo wufuuda kale ee Garoowe ku sugan ayaa iyana halkaasi waxaa ay ka wadaan kulamo kala duwan, iyaga oo sidoo kale bilaabay ololahooda musharaxnimo.