Isniino Oo Ah Gabar 14-Sano Jirta Ayaa Maalin Ka Hor Waxaa Kufsi Loogu Geystay Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Sanaag Ee Puntland Gaar Ahaana Deegaan 10 Km Dhinaca Galbeed Kaga Deegaanka Ceelbuh Ee Gobolkaaasi Sanaag.
Kufsiga Oo Kaliya Isniino Looguma Ekeyn Dhibka Loo Geystay Balse Waxaa Loogu Daray Dil Aad U Foolxun Oo Toorey Ayuu La Dhacay Arwaxn Laawihii Dhibkaasi Ka Dambeyey Oo Ka Mid Ahaa Dadka Deegaanka.
Abdullahi Mohamed Du’ale Oo Abti U Ah Gabadha Dulmanaha Ah Ee Isniino Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Sheegay In Dhibnka Ka Dib Isniino Loo Qaaday Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari Ahna Xarunta Ganacsiga Puntland.
Waxa Uu Tilmaamay In Hadda Xaaladeeda Caafimaad Lagula Tacaalayo Isbitaalka National Oo Ku Yaal Gudaha Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari.
Abdullahi Waxa Uu Xusay In Gacanta Lagu Hayo Dambiilihii Dhibka Foosha Xun U Geystay Gabadhasi Aan Waxba Galabsan Waxa Uuna Intaa Ku Daray In Gacanta Ku Hayaan Ciidamada Ammaanka Degmada.
Balse Arrinta La Yaabka Leh Ee Uu Ka Dhawaajiyey Ayaa Ah In Arrinkaan Lagu Dhameynayo Wadahadal Iyo Is Afgarad Ay Yeelanayaan Odayaasha Labada Dhinac Waxa Uuna Intaasi Raaciyey In Durbaba Ay U Yimaadeen Odayaal Ka Socda Dhinaca Ninka Dhibka Geystay.
Kufsiga Ayaa Maalmahaan Dambe U Muuqda Mid caadi Ka Noqday Gayiga Soomaalida Waxaana Gabdhaha Dulman Intaasi U Dheer In Kufsiga Loogu Daro Dil Iyo in Nafta La Dhaafiyo Balse Dhibka Intaa La Eg In Lagu Dhameeyo Is Afgarad Odayaal Ayaa Ah Su’aal Ay Durba IsWeydiinayaan Shacabka Soomaaliyeed Gaar Ahaana Haweenka Oo Iyagu Ah Kuwa Inta Badan La Kulmo Tacaddiyadan Oo Kale.
Dabayaaqadii bishii Hore Ayey Aheyd Ka Dib Markii Kufsi Iyo Dil La Isugu Daray Caaisha Ilyaas Aden Oo Ka Mid Aheyd Gabdhaha Da’yarta Ah Ee Gaalkacyo Ku Nool Waxaana raggii Dhibkaasi Ka Dambeeyey Gacanta Ku Haya Laamaha Ammaanka Puntland Balse Su’aasho Waxa Ay Tahay Kiiska Caaisha Yar Ma Waxa Uu Mari Doonana Wadada Isniino Oo Wadahal Ayaa Lagu Dhameyn Doonaa Mise Sharciga Iyo Caddaaladda Ayaa la Hor Geyn Doonaa.