Wednesday, August 12, 2026
HomeWararDibaddaKooxo hubeysan ooaan heybtooda la garan oo toogasho ku dhaawacay Aabe iyo...

Kooxo hubeysan ooaan heybtooda la garan oo toogasho ku dhaawacay Aabe iyo wiil uu dhalay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay xalay ka fuliyeen degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu beegsaday dad shacab ah.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay Iga-dabagey oo ka tirsan degmada Garasbaaley, waxaana la sheegay in bartilmaameedku uu ahaa dukaan halkaasi ku yaalla, sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah.

Burcadda ayaa gudaha u galay dukaan, waxayna halkaasi ka geysteen dhac xooggan, iyagoo dhaawacay wiil iyo Aabihii oo xilligaas dukaanka ku sugnaa.

Dhaawaca wiil iyo Aabihii ayaa hadda lagu daweynayaa mid ka mid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo ehelada dadkii la dhaawacay ay dalbadeen in cadaaladda la horkeeno, iyadoo labo ruux ay ku dhaawacmeen, hantidoodana la dhacay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxihii falkaasi foosha xun geystay ay goobta isaga baxsadeen, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka oo ku aadan falkaasi.

Weerarkan ayaa la mid ah midka lagu qaado Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika oo inta badan ay dhac iyo dil u geystaan ​​kooxo burcad ah oo dalkaasi ku sugan.

In la beegsado goobaha ganacsiga ayaa ah arrin ku cusub magaalada Muqdisho, waxaana warbixintan ay argagax ku beertay shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dadka reer Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe laga dareemayay horumarro la taaban karo oo dhinaca ammaanka ah, gaar ahaan koontaroollada laga soo galo magaalada oo dhan.

Previous article
Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Abyei, oo ah gobolka ay ku muransan yihiin labada Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, ayaa ka warbixiyay heshiis dhex maray laba beelood oo dirirtu dhexmartay si loo wanaajiyo xidhiidhka iyo kobcinta nabad-beereedka iyo daaqsinta, ayuu yiri afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Isniintii. Stephane Dujarric, oo ah madaxa afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Abyei (Unisfa) ay dib ugu sheegeen xarunta Qaramada Midoobay in wakiilada beelaha Ngok Dinka iyo Misseriya ay heshiiska ku saxiixdeen bartamaha Abyei kulan ka dib socdaalka. dhamaadka todobaadka. “Kulankan waxa uu daba socday shirkii guusha ka soo hooyay ee ka dhacay Noong oo ku yaala galbeedka Abyei bishii December ee sanadkii hore, wuxuuna daba socdaa hoos u dhac soo dhaweyn ah oo ku yimid dagaaladii u dhaxeeyay beelaha Ngok Dinka iyo Misseriya intii lagu guda jiray. xilliga socdaalka,” Dujarric ayaa yidhi. Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Abyei, oo ah gobolka ay ku muransan yihiin labada Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, ayaa ka warbixiyay heshiis dhex maray laba beelood oo dirirtu dhexmartay si loo wanaajiyo xiriirka a iyo kobcinta nabad-beereedka iyo daaqsinta, ayuu yiri afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Isniintii. Stephane Dujarric, oo ah madaxa afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Abyei (Unisfa) ay dib ugu sheegeen xarunta Qaramada Midoobay in wakiilada beelaha Ngok Dinka iyo Misseriya ay heshiiska ku saxiixdeen bartamaha Abyei kulan ka dib socdaalka. dhamaadka todobaadka. “Kulankan waxa uu daba socday shirkii guusha ka soo hooyay ee ka dhacay Noong oo ku yaala galbeedka Abyei bishii December ee sanadkii hore, wuxuuna daba socdaa hoos u dhac soo dhaweyn ah oo ku yimid dagaaladii u dhaxeeyay beelaha Ngok Dinka iyo Misseriya intii lagu guda jiray. xilliga socdaalka,” Dujarric ayaa yidhi. Xoolo-dhaqatada Misseriya ee reer-guuraaga ah ee ka soo jeeda Suudaan waxay sannad walba u haajiraan guud ahaan iyo guud ahaan gobolka woqooyiga ee Abyei si ay u galaan Koonfurta Suudaan ee Greater Bahr el Ghazal iyo Unity states. Isku dhacyo soo noqnoqday ayaa dhex maray labada kooxood sanadihii lasoo dhaafay.
Next article
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe