Monday, April 27, 2026
HomeWararGudahaKooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada...

Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee degmada Hiliwaa.

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa lagu soo waramayaa in ay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ku weerareen Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee degmadas Guure Maxamed Xirsi Weerarkan ayaa sidoo kale lagu dilay nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ganacsatada ah sida ay wararku sheegayaan.

Sida ay u sheegeen warbaahinta ilo kala duwan Marxuumka ayaa lahaa mid ka mid ah goobaha jimicsiga ee deegaanka Weerarka ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan oo hadda ku daba jira laamaha ammaanka

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay, waxaana ay islamarkiiba halkaasi ka bilaabeen baaritaano ku aadan sidii ay uga daba tagi lahaayeen kooxihii falkaasi geystay. Hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhacdadan.

QORAALADA LA XIRIIRA

42 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe