Tuesday, March 18, 2025
HomeWararKooxo Hubeysan Oo Toogasho Ka Geystay Muqdisho

Kooxo Hubeysan Oo Toogasho Ka Geystay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Saybiyaano ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo Hubeysan   goor dhow ay halkaasi ku dileen wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyaradda kunool Saybiyaano.

Wiilka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Garaad Yaasiin , waxaana uu ka howlgalaayay mid ka mid ah Shirkaddaha Daabacaadda Boorarka ee ku yaalla Muqdisho.

Garaad Yaasiin ayaa ahaa Nin dhalinyaro ah, waxaa dilay kooxo hubeysan oo dilka ka dib horay uga qaatay Taleefankiisa gacanta.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa inoo sheegay in Garaad ay dileen Kooxo burcad ah oo doonaayay in ay ka qaataan Taleefankiisa gacanta.

Waa qofkii Saddexaad ee Maanta Kooxo hubeysan ay ku dileen Muqdisho, waxaana la sheegay in inta badan Kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe