Wednesday, August 12, 2026
HomeWararDibaddaKooxo hubeysan oo magaalada Muqdisho ku dilay xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur...

Kooxo hubeysan oo magaalada Muqdisho ku dilay xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa cambaareeyay dilka xildhibaanka oo maalmihii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dilka Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab. Xildhibaanka geeriyooday ayuu ku tilmaamay in uu ka mid ahaa dadkii doorka weyn ka qaatay nabadeynta, dowlad dhisidda, iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.
“Waxaan Alle uga baryayaa inuu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka, balse Al-shabaab ayaa inta badan beegsata siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe