Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa goordhow degmada Warta-nabada ee magaalada ku dishay mid kamid ah ergooyinkii soo doortay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caraaye Maalin, waxaa dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay hore u sii qaadatay qori uu watay marxuumka.
Marxuum Caraaye waxa uu kamid ahaa ergadii Galmudug kusoo dooratay xildhibaanada baarlamaanka 11-aad, iyadoo dilkiisa ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howgallo

