Friday, April 24, 2026
HomeWararDibaddaKooxda ASoo xayiraad kusoo rogtay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Kooxda ASoo xayiraad kusoo rogtay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Warar saacadahii lasoo dhaafay si weyn isu soo taraayay ayaa sheegaya in kooxda AS ay xayiraad kusoo rogtay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn dalka ee dhanka isgaarsiinta.

Xayiraada kooxda AS ay kusoo rogtay shirkada Hormuud ayaa wararku sheegayaan iney salka ku hayso isfaham waa ku yimid amar kasoo baxay kooxda oo ay shirkaddu diiday iney fuliso.

Amarka khilaafka uu ka dhashay ee kasoo baxay kooxda ayaa la sheegay inuu ahaa in shirkada Hormuud ay joojiso nidaamka ay mushaarka ku qaataan ciidamada dowladda Soomaaliya ee Salaama Bank oo ay ciidamada ku helaan taleefanadooda, kaasoo shirkada Hormuud ay diiday iney joojiso.

Khilaafkaas kadib waxaa la tilmaamay in Ururka AS iney xayiraad ku soo rogaan ilaa 35 xarumood oo ay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay qaar kamid ah gobolada dalka.

Si kastaba ha ahaatee ilaa hada ma jiro bayaan rasmi ah oo kasoo baxay kooxda oo cadeynaya wararkan la xariira in Shabaab ay xayiraad kusoo rogtay shirkada isgaarsiinta Hormuud, hayeeshe waxaa xusid mudan in kooxda ay horay uga xayirtay deegaanada ay ka taliso dhaqdhaqaaqa gaadiidka shirkada.

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya iyo shirkada isgaarsiinta Hormuud ilaa hada kama aysan hadlin waxa ka jira wararkaan sheegaya in AS ay xayiraad kusoo rogtay shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe