Wararka Ka Imaanaya Gobolka Shabeellada Hoose Ayaa Sheegaya In Ciidamada Komandooska Soomaaliya Oo Gacan Ka Helaya Saxibada Taageera Ay Weerar Ku Qaadeen Saldhig Al-shabaab Ku Lahaayeen Deegaanka Baladul-Amin Ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Wararku Waxa Ay Tilmaamayaan In Ciidamada Kumandooska Soomaaliya Iyo Kuwa Mareykanka Ah Ee Weerarka Geystay Ay Wateen Labo Diyaardood Kuwaas Diyaaraha Ka Degay Markii Ay Deegaanka Gaareen Ka Dibna Weerar Dhinac Dhulka Ah Ku Qaadeen Saldhig Al-shabaab Ku Lahaayeen Deegaankaasi.
Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Hawl-galka Fuliyey Ayaa Sheegay In Ujeedada Hawl-galkan Ay Aheyd Sidii Ay Bur-Burin Lahaayeen Dhammaan Xarumaha Iyo Saldhigyada Al-shabaab Ku Leeyihiin Deegaanka Baladul-Amin Ee Shabeellada Hoose.
Geesta Kale Maxamed Ibrahim Barre Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Oo La Hadlay War-baahinta Gudaha Ah Ayaa Tilmaamay In Weerarkaasi Xalay Ka Dhacay Baladul-Amiin Jab Xooggan Lagu Gaarsiiyey Al-shabaab Isla-Markaana Looga Dilay Sraaakiil Iyo Askar Ka Tirsan Dagaallamayaasha Al-shabaab Balse Ma Sheegin Tiro Xaddidan Oo Ay Al-shabaab Weerarkaas Uga Dileen.
Sidoo Kale Ma Jiro Wax War Ah Oo Kasoo Baxay Dhinaca Kooxda Al-shabaab Oo Ay Uga Hadlayaan Weerarka Xalay Ciidamada Kumandooska Soomaaliya Iyo Kuwa Mareykanka Ay Ku Qaadeen Deegaanka Baladul-Amin Ee Gobolka Shabeellada Hoose.

